Hey’adda deegaanka shaqada (Arbetsmiljöverket)

Dhammaan bulshada iswiidhan ka shaqeeyo waxey xaq u leeyahiin deegaan shaqo oo wanaagsan sida ku qoran sharciga deegaanka shaqada. Ma wanaagsana qof inuu ku dhaawacmo ama jirado oo arrintaasna shaqadiisa sabab u tahay.

Anaga waxaa nahay hey’add oo dowlada Iswiidhan iyo barlamaanka qaranka  u xilsaaren inaa dhowrno sharciyada oo deegaanka shaqada ey shirkadaha iyo ururada ey ku dhaqmaayaan. Arrintaasna sidaan baan u hirgalinaa:

  • waxaa soo bandhignaa xeerar ku tiirsan sharciga deegaanka shaqada
  • koontaroolnaa in shirkadaha iyo ururada ku dhaqmaan sharciyada iyo xeerarka, oo waxaa booqanaa goobaha shaqooyinka dhammaan Iswiidhan
  • waxaa faa’finaa warbixinta ku saabsan arrimaha deegaanka shaqada.

Shaqo bixiyaha baa mas’uul ka ah deegaanka shaqada oo goobta adiga ka shaqeysid

Waa shaqo bixiyaha waxa mas’uulka ka ah gacanta koowaad deegaanka shaqada oo goobta la shaqeynaayo. Markaa anaga booqasho ugu tagno goobaha kala duwan oo laga shaqeeyo waxaa fiirinaa sida ey u egtahay deegaanka shaqada oo goobtaas iyo koontaroolnaa in lagu dhaqmaayo sharciyada iyo xeerarka deegaanka shaqada. Haddii aan helno cilado waa inuu shaqo bixiyaha wax uu ka qabtaa.

Qofka goobta shaqada adiga waakilka kaa ah

Goobaha shaqada oo Iswiidhan badanaa waxey leeyahiin wax lagu magacaabo wakiilka difaaca[skyddsombud]. Wakiilka difaaca waa qof matalaayo shaqaalaha oo soo jeedinkaro shuruudo ku sabaabsan deegaanka shaqada iyo shaqo bixiyaha. Haddii adiga dhib ku qabtid goobta aad ka shaqeysid waxaad la hadlikartaa wakiilka difaaca.

Nala soo xiriir

Adiga waxaa nagala soo xiriirikartaa lambarka telefoonka +46 (0)10-730 90 00 ama arbetsmiljoverket@av.se. Shaqaalaheyna waxey ku hadlaan dhowr luqadood oo kala duwan iyo su’aalooyinkaada waxey ka jawaabi karan isniin ilaa jimco saacada 08.00–11.30.

Anaga waxaa gaareynaa 600 oo shaqaalo iyo waxaa joognaa dhowr magaalo oo wadanka ku kala yaal, laga soo bilaabo woqooyi ilaa koonfur, oo xafiiska maamulka guud waxaa ku lee nahay Stockholm. Adiga markasto ku soo dhawoow oo nala soo xiriir anaga haddii adiga su’aalo ka qabtid oo ku saabsan deegaanka shaqada, xeerarka iyo sharciyada ama adeega elektroniiga.

Miyaad haysan warbixin turjuman?

Warbixinta oo luqadaan ma badna. Warbixin intaan ka badan waxaad ku heli luqada iswiidhishka iyo ingiriiska oo booga internetkeena. Haddii loo baahdo waan soo turjumikarnaa qoraalo badan. La soo xiriir arbetsmiljoverket@av.se haddii aad dooneysid in warbixin laguu soo turjumo.  

Last updated 2021-11-30