Oggolaanshaha shaqada iyo oggolaanshaha degganaanta

Ku saabsan oggolaanshaha degganaanta iyo shaqada

Haddii ay haysato dhalashada dal ka tirsan Midowga Yurub ama EES ama dalka Switzerland, u ma baahin oggolaanshaha degganaanta ama kan shaqada.
Haddii aad dooneyso inaad dalka joogto muddo ka badan saddex bilood, waa in aad codsi u gudbisaa Migrationsverket.
Haddii aad ka timid dal ka baxsan dalalka EU ama EES oo aad dooneyso inaad dalka Iswiidan ka shaqayso muddo ka badan saddex bilood, waa in aad haysataa oggolaanshaha shaqada iyo degganaanta. Inta badan waxaad kaloo u baahnaan kartaa fiiso ama dal-ku-gal si aad ugu sugnaato dalka Iswiidan .

Waxaase jira marar aan sidaas la isku xirin, waxaadna ka akhrisan kartaa dhammaadka boggaan.

Migrationsverket ayaa mas’uul ka ah bixinta oggolaanshaha

Waa inaad waqti hore u soo codsatay oggolaanshaha ama ruqsadda inta aadan dalka Iswiidan soo gelin. Waxaad codsiga oggolaanshaha degganaanta iyo shaqada ka samayneysaa bogga internet-ka ee Migrationsverkets webbplats, www.migrationsverket.se, ama waxaad u gudbineysaa safaaradda ama qunsulka iswiidhish ee ku yaal dalka aad deggan tahay.
Xataa haddii aad fiiso u baahan tahay fiiso aad soo gasho dalka Iswiidan , waa in aad u soo gudbisaa safaaradda ama qunsulka codsiga aad ku dalbanayso oggolaanshaha shaqada.

www.migrationsverket.se/somaali

Dadka oo dhammi uma wada baahna oggolaanshaha shaqada

Kolka laga reebo dadka u dhashay dalalka EU iyo EES waxaa jira dad badan oo aan u baahnayn oggolaansho ay dalka Iswiidan kaga shaqaystaan.
Ma dooneysaa inaad wax dheeraad ah ka ogaato dadka aan ku jirin waajibaadkaan, booqo bogga internet-ka ee Migrationsverket.

Waa maxay shuruudda in la helo oggolaanshaha shaqada ee dalka Iswiidan?

Si laguu siiyo oggolaanshahaas waxaa laga dalbayaa in

  1. aad haysato baasaboor aan weli waqtigiisu dhicin,
  2. aad masruufkaaga ka soo saaran karto shaqada,
  3. ay bishii ku soo gasho mushahar aan ka yarayn 13 000 karoon (eeg qodobka 5),
  4. ay cidda aad u shaqaynaysaa ay shaqada ku soo bandhigtay dalka Iswiidan iyo dalalka EU muddo toban maalmood gudahood ah (shaqaalaynta cusub),
  5. ay cidda aad u shaqaysaa ku siiso shuruudo shaqo oo u dhigma kuwa heshiiska dhexe ee iswiidhishka ama laga isticmaalo xirfaddaas (eeg hoos),
  6. ay cidda aad u shaqayso ay siiso ururada shaqaalaha ee qaybta shaqadaada si ay fekrad uga dhiibtaan shuruudaha lagugu shaqaaleeyey.

Misa ayey ruqsaddaas ama oggolaanshahaas jireysaa?

Haddii aad dalka Iswiidan ka bilowdo shaqo soconeysa waqti gaaban, wuxuu oggolaanshaha degganaanta iyo shaqadu jirayaa inta shaqadu socoto, laakiin ugu badnaan markiiba labo sano. Afar sano kadib waxaa suurtgal noqon kara in bixiyo oggolaanshaha degganaanta ee joogtada ah.

Was the information on this page useful?

Last updated 2015-09-11