To start page

Waa kan dibedda shaqo ugu diriddu

Qofka dibedda shaqo loogu diray waxa weeye qof cidda uu shaqeeyaa ay u dirtay dal kale si uu uga shaqeeyo muddo kooban.

Dibedda shaqo ugu diriddu waxay ku saabsan tahay saddex arrimood:

  • Waxaad u shaqayneysaa cidda aad u shaqayso oo ku hoggaamin doona. Shaqabixiyuhu wuxuu heshiis la galay cid ama shirkad dalka Iswiidan  ku taal oo shaqada u baahan.
  • Waxaa laguu diray goob shaqo ama shirkad ka tirsan shirkadda aad u shaqayso oo ku taal dalka Iswiidan.
  • Waxaa ku kireysatay ama amaahatay shirkad dadka kireysata oo kuu diratay shirkad halkaan ka shaqagasha.

Tusaale noocyada kolka shaqo dibedda laguugu diro:

  • Waxaad u dhalatay Jarmal, waxaadna u shaqaysaa shirkad Isbaanish ah. Waxaa laguu diray dalka Iswiidan  si aad muddo labo sano ah baaritaan ugu samayso xaaladda suuqa.
  • Shirkad Ingiriis ah ayaa kuu dirtay in aad ka shaqayso waax dalka Iswiidan  ku taal muddo labo sano ah.
  • Waxaad haysataa dhalashada Estland, waxaana ku kireysatay shirkad Faransiis ah oo kuu dirtay inaad sannad ka shaqayso dalka Iswiidan.

Haddii aad leedahay shirkad gaar ah lagugu ma xisaabinayo qof shaqo dibedda loogu diray. Laakiin waxaa jira marar la xisaabinayo:

  • haddii aad shaqo-bixiye shaqo uga qabanayso dalka Iswiidan  oo aan cid kale beddelkaaga lagu soo diri karin
  • haddii aadan haysan qalab ama goob aad adigu iska leedahay
  • haddii cidda aad u shaqaysaa ay shaqada hoggaamineyso.

Sharcigu wuxuu khuseeyaa cid walba

Waxaa cid walba oo dalka Iswiidan  shaqo loogu soo diro lagu maamulayaa sharciyada iswiidhishka ee ku saabsan fasaxyada, waqtiyada shaqada iyo mushaharka ugu yar.
Warbixin dheeraad ah waxay ku qoran tahay tusmada bidixda ku taal.

Sharkadaha shisheeyuhu waa in ay raacaan sharciyada iswiidhishka oo ku salaysan baaqa EU:
Halkaan ayaad ka akhrisan kartaa baaqa ama wareegtada 

Waxaa kaloo jira sharciyo iswiidhish oo ku salaysan baaqa Midowga Yurub.
Halkaan ayaad ka akhrisan kartaa sharciga

Waxaa sharciga xukun ku beddeshay Maxkamadda Midowga Yurub. Laga soo bilaabo 15-kii abriil waxaa ururada shaqaalaha khuseeya shuruudahaan:

  • Waxaa jira shuruudo gaar ah kolka aad tallaabooyin khilaaf kaga horiman karto shirkado shisheeye.
  • Waa ay shirkadahaadi u soo gudbiyaan wakaaladda Arbetsmiljöverket shuruudaha heshiiska dhexe.

Waxaad xuquuqdaada ku difaaci kartaa maxkamadda

Haddii aad weydo xaaladaha shaqo ama shaqaalayn oo aad xaqa u leedahay sida sharcigu qorayo, waxaad u dacwoon kartaa maxkamd iswiidhish ah.
Haddii xubin ka tahay ururka shaqaalaha oo arrintu ku saabsan tahay shuruudaha heshiiska dhexe, kolkaas ururka aad ka tirsan tahay ayaa arrinta horgeynaya maxkamadda.
Haddiise aadan ka tirsanayn wax urur ah, waxaa shuruudaha heshiiska lagu qaadayaa Maxkamadda Arrimaha shaqada ama maxkamadda hoose ee degmada aad deggan tahay ama shaqada laguugu soo diray.

Halkaan waxaa ku qoran boggaga internet-ka oo ku saabsan sharciga difaaca shqaalaha iyo Maxkamadda arrimaha shaqada

Su’aalaha ku saabsan sharciga bey’adda shaqada iyo takooridda waxaa kagu soo qaadaa hab gaar ah oo toos looma horkeeno maxkamad iswiidhish ah.
Haddii bey’adda shaqada oo goobta shaqadu aysan wanaagsanayn, waxaad la xiriireysaa wakiilka bey’adda shaqada. Wakiilka bey’adda shaqadu wuxuu joogaa goobta walba oo dhaqo oo ay ka shaqeeyaan shan qof iyo ka badan. Waxaad kaloo toos u la xiriiri kartaa wakaaladda bey’adda shaqada, Arbetsmiljöverket, haddii shaqabixiyuhu uu jebiyo sharciyada bey’adda shaqada iyo waqtiyada shaqada.

Waxaad warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga waqtiyada shaqada iyo Wakaaladda bey’adda shaqada ka akhrisan kartaa halkaan

Haddii adigoo goobta shaqada jooga lagugu sameeyo midabtakoor ama jinsifaquuq waxaad la xiriireysaa wakiilka jinsifaquuqa, Diskrimineringsombudsmannen, DO. Halkaan ka akhriso warbixin dheeraad oo ku saabsan jinsifaquuqa 



Klicka här för att skriva ut sidan i en printervänlig version.
© 2012 Arbetsmiljöverket, Lindhagensgatan 133, 112 79 Stockholm, Phone: +46 (0) 10 730 90 00 Fax: + 46 (0) 8 730 19 67
[ arbetsmiljoverket@av.se | webbredaktionen@av.se ]