Xuquuqda shaqada iyo mushaaradda
Sidan bay u shaqaysaa xuquuqda shaqada ee dalka Iswiidan
Boggan internet’ka waxaad ka akhrisan kartaa sida ay u shaqeyso xuquuqda shaqada ee wadankan dalka Iswiidan. Halkan waxaanu ku sharaxaynaa, waxyaabo ku saabsan mushahaarka ugu yar ee la qaadan karo iyo wax bedel lagu sameeyay sharciga xarun dibeddeed dadka lagu meeleeyay oo ka hirgalay dalka Iswiidan, oo ka dambeeyay kii la oran jiray (Laval-domen) xukunkii- Laval. Halkan waxaa kale oo ku yaal, waxyaabo ku saabsan xafiisyada xiriirka shaqada ee gaarka loo leeyahay.
Haddii uu ku kiraystay xafiis shaqo xiriiriye gaar loo leeyahay?
Waxaa ku jira sharciga shaqo xiriiriyaha gaarka loo leeyahay iyo kiraysiga shaqaalaha (sharciga shaqo xiriirinta) xeerar ku saabsan shirkaddaha shaqaalaha laga soo kiraysto.
Kuwa ku hawlan kiraynta shaqaalaha, tusaale ahaan, ma weydiisan karaa, heshiisna ma la geli karaan, kama qaadan karaan qofka shaqo soo weydiista ama shaqo ay u soo helaan wax dhaqaale ah.
Sharciga xafiiska xiriirka shaqada.
Nooca dalka Iswiidan
Dalka Iswiidan waxaa jira xeerar u dejisan xuquuqda shaqada, heshiis wadarreed iyo heshiis shaqsi ahaan loo shaqaaleeyo qof.
Sharciyada qaarkood waa lagu qasban yahay in loo raaco sida ay yihiin, qaarna kale ma aha sidaas. Taasi macnaheedu, waxaa uu yahay in heshiisyada iyo heshiis wadarreedyada (heshiiska dhex mara ururrada shaqaalaha iyo shaqo bixiyaha) lagu gaari karo waxyaabo ka duwan waxa uu sharcigu sheegayo.
Dalka Iswiidan aad bay caadi u yihiin heshiis wadarreedyadu, kuwaasi oo inta badan suuqa shaqada iyagu haga.
Qandaraasyada sida shaqsiga loogu shaqaaleeyo, waxaa heshiis ku wada gala shaqo bixiyaha iyo shaqaalaha. Qandraaska shaqaaleynta waxyaabaha lagu heshiiyo waxaa ka mid ah qodobbo laga soo qaatay sharciga iyo heshiis wadarreedka iyo shuruuddo dheeraad ah.
Heshiis wadarreed
Heshiis wadarreed waa heshiis qoraal ah. Waxaa uu ka koobnaan karaa shuruuddaha shaqaaleynta (tusaale ahaan mushahaarka, xaqa fasaxa iyo wakhtiga shaqada ) iyo waxyaabaha kale ee dheeraadka ah ee ay ku heshiiyaan shaqo bixiyaha iyo shaqaaluhu( wada xaajooydka).
Heshiis wadarreedku waxaa uu kaabaa sharciyada xuquuqda shaqada, waana uu bedeli karaa, marka uu sidaas sharcigu banneeyo. Heshiis wadarreedka waxaa ka wada xaajooda dhinacyo gooni ah uun. Shaqo bixiye gaar ihi, waa uu geli karaa wada xaajood, sida oo kale ururrada ay shaqo bixiyayaashu xubnaha ka yihiinna, way geli karaa. Laakiin shaqaale ahaan, ururka shaqaalaha ee aad xubinta ka tahay, baa kuu geli karta wada xaajoodka heshiis wadarreedka.
Haddii aad xubin ka tahay urur shaqaale oo dalka Iswiidan ka jira, waxaa ku xakamaynayaa ururkaasi heshiis wadarreedka uu soo galo. Xitaa haddii aanad xubin ka ahayn ururrada shaqaale midna, waxaa uu shaqo bixiyahaahugu u leeyahay xaq in uu isticmaalo shuruuddaha ku jira heshiis wadarreedkii lagu gaaray wada xaajoodka.
Waajibka amaan iska siinta
Inta uu ansaxa yahay heshiis wadarreedku, waxaa taagan mabda’a amaan iska siinta ee u dhexeeya dhinacada heshiiska galay iyo xubnahooda. Taasi micnaheedu, waa in aan lagu dhaqaaqin wax tallaabo ah oo is hor imaad ah, tusaale ahaan, inaan dhinaca ku samayn dhinaca kale shaqo joojin.
Heshiis laalaada
Heshiis laalaada waa heshiis u dhexeeya shaqo bixiye aan xubin ka ahayn ururrada shaqo bixiyaashu ku bahoobeen iyo ururrada shaqaalaha. Heshiisku sidiisa uma aha heshiis wadarreed, laakiin waa heshiis qodobbadiisu sida heshiis wadarreedka ay u khusaynayaa qofka shaqaalaha ah.
Heshiisyada laalaada ee dhexmara ururka shaqaalaha iyo shariikaddaha ajinebiga waa ku badan yihiin oo waa ku caadi wadanka dalka Iswiidan.
Heerka ugu hooseeya ee mushaharka wadankan dalka Iswiidan
dalka Iswiidan kama jiro wax sharci ah oo heerka ugu hooseeya ee mushahar ku saabsan. Mana aha dawladda, tan kantaroosha in shuruuddaha mushaharka la raaco.
Wadankan dalka Iswiidan waxaa lagu go’aaminaa heerka ugu hooseeya ee mushahar heshiis wadarreedyada kala duwan. Qeybaha kala duwan waxay geli karaa heshiis wadarreedyo kala duwan. Waa ururrada kuwa heshiisyada kala saxeexda, oo wadajir uga ah masuul in nuxurka heshiisyadaasu fulaan. Sida oo kale ayay mushaharkana uga yihiin masuul.
Sidaas ayay tahay, oo waa ururrada shaqaalaha, kuwa kala xaajoonaya shaqo bixiyayaasha iyo ururrada shaqo bixiyayaashu ku bahoobeen heerka ugu hooseeya ee mushahaar ee ay hawlgelayaan laamaha kala duwanni. Waana ururrada kuwa u xilsaarani inay hubiyaan in shuruuddihii heshiis wadarreedyada la fuliyay.
Heerka ugu hooseeya ee mushahar ee shaqaalaha xarumaha dibedda lagu meeleeyo
Maadaama aanu jirin wadankan dalka Iswiidan wax sharci ah oo khuseeya heerka ugu hooseeya ee mushahar, sidaas awgeed, ma jiro wax gaar ah oo heerka ugu hooseeya ee mushahar oo toos kuu khusaynayaa adiga.
Heerka ugu hooseeya ee mushahar, dalka Iswiidan waxaa uu ku jiraa heshiis wadarreedyada, iyada oo uu nuxurkooduna kala duduwan yahay, marka laga eego laamaha kala duwan.
Waa ururrada Shaqaalaha ee dalka Iswiidan, kuwa u gala wada xaajoodka shaqaalaha ku meelaysan xarumo dibeddeedka, si loogu saxeexo heshiis wadarreed shaqaalahaas khuseeya. Shirikaddaha ajinebiga ahi, way ka mid noqon karaa ururrada shaqo bixiyayaashu ku bahoobeen ee dalka Iswiidan, sidaas bayna ugu xirmi karaan heshiis wadarreedyada
Urur isbahaysi shaqo bixiye ma adeegsan karo tallaabo iska hor imaad ah, si uu u kasbado heshiis wadarreed Swedish ah, haddii uu shaqo bixiyuhu caddeyn karo in shaqaaluhu isla mar horeba u habeysanaayeen qaab, ugu yaraan la mid ah, sida heshiis ay gashay laan ka mid ah laamaha dhexe ee dalka Iswiidan.
Waa maxay heerka ugu hooseeya ee aad mushahar u qaadan kartaa?
Haddii aad hayso su’aallo ku saabsan heshiis wadarreed ama heshiis wadarreedyo iyo heerka ugu hooseeya ee mushahar ee khuseeya laan gooni ah, waxaad la soo xiriiraysaa shaqo bixiyaha iyo ururrada ay ku bahoobeen shaqo bixiyayaashu.
Shaqo bixiye- iyo ururrada shaqo bixiyuhu ku bahoobeen
Waxa kale oo aad iyana la xiriiri karaa Wakaaladda bay’adda shaqada
Tallaabada iska hormaadka ah ee xarumo dibedeedka
Kedib xukun ay gaartay maxkamadda Midowga Yurub (EU-domstolen), ee loogu magac daray Laval-domen, xukunka laval, waxaa jira wax ka bedel lagu sameeyay xeerarka xarumo dibeddeedka. Tan iyo 15 abriil 2010, waxaa ansax ah:
- Ururrada shaqaalaha waxaa loo sameeyay isbedel u suurtogelinaya, in ay ku isticmaali karaa shaqo bixiyaha, tallaabooyinka iska hor imaadka ah xarumo dibeddeedda.
- Dhinacyada heshiis wadarreedyada wada galay, waa in ay u soo gudbiyaa hay’adda dhexe ee bay’adda, qodobbada lagu heshiiyay ee khuseeya xarumaha dibedda ee ku jira heshiis wadarreedkooda.
Tuducan 5 ee cusub oo ku jira sharciga xarumo dibedeedka ee lagu soo kordhiyay kedib xukunka maxkamada ee laval (Laval-domen). Waxa uu ka hadlayaa, goorta la ogolaanayo in la isticmaalo tillaabada is hor imaadka lagu qaadi karo shaqo bixiye xarun dibadeed.
Ururrada waa isticmaali karaa tillaabooyinka is hor imaadka ah ee lagu qaadayo shaqo bixiyaha xarumaha dibedda, si ay shaqaaluhu ugu cadaadiyaan in la gaaro heshiis. Si loo isticmaalo tillaabooyinka is hor imaadka ah, waa in arrimahan ay ku saabsan tahay
- xuquuqda ugu hooseeya ee mid ka mid ah heshiisyada ay wada gaareen laan dhex oo Swedish ahi ( hal heshiis oo guud ahaan saamayay wadanka oo idil, kuna saabsan laan gooni ah).
- xuquuqaha ku saabsan xuquuqda fasaxa, wakhtiga shaqada, mushahar iyo waxyaabo la mid ah
- in xuquuq ku jira heshiis wadarreedku uu yahay mid ka wanaagsan, wax hadda jira, marka la eego sharciga dalka Iswiidan.
Urur shaqaale uma isticmaali karo tillaabooyinka is hor imaadka ah, si uu u gaaro heshiis wadarreed, haddii uu shaqo bixiyuhu caddeyn karo in shaqaaluhu ay horeba u qabeen xaalad wanaagsan oo la mid ah ugu yaraan qodobbada ku jira heshiis laan dhex oo swedishi ihi ay la gaartay shaqaalaheeda.

