To start page

Lex Laval

Tallaabada iska hormaadka ah ee xarumo dibedeedka

Kedib xukun ay gaartay maxkamadda Midowga Yurub (EU-domstolen),  ee loogu magac daray Laval-domen, xukunka laval,  waxaa jira wax ka bedel lagu sameeyay xeerarka xarumo dibeddeedka. Tan iyo  15 abriil 2010, waxaa ansax ah:

  • Ururrada shaqaalaha waxaa loo sameeyay isbedel u suurtogelinaya, in ay ku isticmaali karaa shaqo bixiyaha, tallaabooyinka iska hor imaadka ah  xarumo dibeddeedda.
  • Dhinacyada heshiis wadarreedyada wada galay, waa in ay u soo gudbiyaa hay’adda dhexe ee bay’adda, qodobbada lagu heshiiyay ee khuseeya xarumaha dibedda ee ku jira heshiis wadarreedkooda.

Tuducan 5 ee cusub oo ku jira sharciga xarumo dibedeedka ee lagu soo kordhiyay kedib xukunka maxkamada ee laval (Laval-domen). Waxa uu ka hadlayaa, goorta la ogolaanayo in la isticmaalo tillaabada is hor imaadka lagu qaadi karo shaqo bixiye xarun dibadeed.

Ururrada waa isticmaali karaa tillaabooyinka is hor imaadka ah ee lagu qaadayo shaqo bixiyaha xarumaha dibedda, si ay  shaqaaluhu ugu cadaadiyaan in la gaaro heshiis. Si loo isticmaalo tillaabooyinka is hor imaadka ah, waa in arrimahan ay ku saabsan tahay

  • xuquuqda ugu hooseeya ee mid ka mid ah heshiisyada ay wada gaareen laan dhex oo Swedish ahi ( hal heshiis oo guud ahaan saamayay wadanka oo idil, kuna saabsan laan gooni ah).
  • xuquuqaha ku saabsan  xuquuqda fasaxa, wakhtiga shaqada, mushahar iyo waxyaabo la mid ah
  • in xuquuq ku jira heshiis wadarreedku uu yahay mid ka wanaagsan, wax hadda jira, marka la eego sharciga dalka  Iswiidan.

Urur shaqaale uma isticmaali karo tillaabooyinka is hor imaadka ah, si uu u gaaro heshiis wadarreed, haddii uu shaqo bixiyuhu caddeyn karo in shaqaaluhu ay horeba u qabeen xaalad wanaagsan oo la mid ah ugu yaraan qodobbada ku jira  heshiis laan dhex oo swedishi ihi ay la gaartay shaqaalaheeda.



Klicka här för att skriva ut sidan i en printervänlig version.

© 2012 Arbetsmiljöverket, Lindhagensgatan 133, 112 79 Stockholm, Phone: +46 (0) 10 730 90 00 Fax: + 46 (0) 8 730 19 67
[ arbetsmiljoverket@av.se | webbredaktionen@av.se ]