Cashuurta iyo gunnooyinka
Halkan waxaa ku yaal, waxa kugu waajib ah, ee khuseeya cashuur bixinta wadanka dalka Iswiidan iyo wixii aad adigu xuquuq u leedahay wadankan dalka Iswiidan .
Hay’adda cashuurta waa hay’ad dawli ah oo dalka Iswiidan ugu xilsaaran arrimaha cashuuraha.
Ma bixinaysid cashuur haddii…
Shaqo bixiyahaagu aanu xafiis ku lahayn ama goob shaqo dalka Iswiidan , oo halkan ku joogto uun wakhti yar oo gaaban.
Shaqaale ku meeleysan xarun dibeddeed, kana shaqeynaya halkan ugu badnaan 183 maalmo mudo sanad ah gudihiis, wax cashuur ah kuma waajibayso, oo ay xaaladduna tahay in shaqo bixiyahiisu aanu ku lahayn goob shaqo ka socoto dalka Iswiidan .
Goob shaqo ka socoto, waxaa looga jeedaa goob hawl ganacsi, oo hawsha si buuxda ama si qeyb ahaan u socoto. Tusaale, waxaa hawl si joogto ah u socota ka mid ah, waa farac, xafiis, wershed iyo goob hawl dhisme( oo ugu yaraan socda laba iyo toban bilood).
Waad bixinaysaa cashuur haddii…
Shaqo bixiyahaagu uu ku leeyahay dalka Iswiidan goob joogto shaqo uga socoto oo halkaas aad ka shaqeyso ugu badnaan lix bilood.
Haddii shaqo bixiye dalka Iswiidan ay goob joogto shaqo uga socoto uu shaqaaleeyo qof ajinebi ah, oo aan deggenayn halkan, uuna ka qofkaasi shaqeeyo, wakhti ugu badnaan lix bilood ah, waxaa uu qofkaas bixinayaa cashuurta khaaska ah ee cashuurta dakhliga. SINK. Cashuurtaas khaaska ah ee dakhligu waxay gaartaa ilaa 25 boqolkiiba. Lix bilood kadib, waxaa qofkaas shaqaalaha loo aqoonsayaa, cashuur ahaan, in uu la mid yahay dadka deggan dalka Iswiidan oo waxaa uu bixinayaa cashuurta, waafaqsan xeerarka caadiga ee dawliga ah iyo kuwa degmooyinkaba ee dakhliga. Sidaas oo kale ayaa xaalku noqonayaa, haddii uu qofka joogitaankiisu ku soo noqnoqonayo dalka Iswiidan .
Waa suurtogal in aad waaxda cashuuraha aad ka dalbato, in islamarkiiba aad bixiso cashuurta, sida waafaqsan xeerarka caadiga ah ee cashuurta dawliga ah iyo kuwa degmooyinkaba oo dabadeed laguu sameeyo qiimo dhimis. Qeybta cashuurta ee aad bixinaysaa markaas, waa ka saraynaysaa 25 boqolkiiba. Haddii guud ahaan dakhligu ama kuligiisa aad ka xoogsatay dalka Iswiidan gudiheeda, dhimista aasaasiga iyo dhimista guud ahaanneed, waxaa laga jarayaa cashuurtii dakhliga ee kugu waajibtay. Dhimista noocyadaas ahi, laguma sameeyo cashuurta dakhliga khaaska ah.
Ma bixinaysid laba cashuurrood
Waxaa jira heshiisyo loogu magac daray heshiisyada laba cashuur bixinta, oo ka dhexeeya dalka Iswiidan iyo wadamo kala duwan, waxay taasi micnaheedu tahay, in dakhliga aad dalka Iswiidan ka shaqeysto uu cashuur la’aan noqonayo.
Warbixinno ku saabsan cashuurta kugu waajibaysa iyo dakhliga cashuur la’aanta ah, iyo weliba xisaab xirka iyo bixinta cashuurta, kala xiriir hay’adda cashuuraha, wixii faahfaahin ah. Bogga internet’ka ee hay’adda cashuuraha waxaa uu ku yaal, dhinacan hoose ee boggan.
Kharashka arrimaha bulsho lama bixinayo haddii…
shaqo bixiye ajinebi ah, haddii uu u soo diro qof shaqaale ah dalka Iswiidan , si uu uga shaqeeyo dalka Iswiidan wakhti ka gaaban hal sano. Haddii qofkan shaqaalaha ahi uu ka yimid Midowga Yurub EES- wadammada la yiraahdo, waa in uu haysto caddeynta ka mid ahaansha caymis ee wadankaas.
Kharshka bulsho waa in la bixiyo…
xaaladdaha sidaas ka duwan. kharashka bulsho, oo nooca kharashka shaqo bixiyaha ama kharashka adigu aad iska dhiibto, waa la bixinayaa haddii aad dalka Iswiidan ka shaqeysato. Kharashka shaqo bixiyaha waxaa uu ka bixinayaa shaqo bixiyo shaqaalaha u shaqeeya, iyada oo la isku xisaabinayo mushaharka iyo gunnooyinka.
Kharashka adigu aad iska bixiso, waxaa bixinaya qofka iska leh shariikad uu mulkigeeda keli ku yahay, oo uu hawsheedana u wadaka shariikad keli uu ku yahay mulkiga ama shariikad ganacsi(handelsbolag).
shaqo bixiyaha ajinebiga ah waa in uu iska diiwaan geliyo hay’adda cashuuraha ee xafiiskeeda ajenibiga ee Malmö ama waaxda ajinebiga ee Stockholm.
Shaqo bixiyayaasha ka yimid Denmark, the Faeroe Islands, Greenland, Iceland, Poland, Slovakia, Slovenia, the Czech Republic, Germany iyo Austria waa in ay la xiriirraan hay’adda cashuuraha, xafiiskeeda ajinebiga ee Malmö, shaqo bixiyayaasha ka kala yimid wadamada kale waa in ay la xiriirraa hay’adda cashuuraha, xafiiska ajinebiga ee Stockholm.
Hay’ada cashuuraha waa kan cinwaankoodu
Gunnooyinka bulsho ee aad dalka Iswiidan ka helayso
Haddii aad ka mid tahay caymiska badbaadinta bulsho ee wadan kale, oo aad uun, si ku meel gaar ah uga shaqeynayso dalka Iswiidan , waxaa sida xeerka waafaqsan, aad ka qeyb noqonaysaa nidaamka caymiska badbaadinta bulsho ee dalka Iswiidan. Xeerku waxaa uu u habaysan yahay in aan qofna, isku mar keli ah, ka caymisnaan dhowr wadan.
Caymiska badbaadinta bulsho ee dalka Iswiidan waxaa uu ka kooban yahay dhowr nooc oo gunnooyin ah, oo ku salaysan deggenaasha iyo shaqada.
Gunnooyinka ku salaysan shaqada, waxay daboolayaan, haddii uu kaa baaqday dakhli, ku soo geli lahaa, sida gunnada waalidiinta, gunada jirada. Haddii aad u shaqeysid shaqo bixiye Swedish ah, laakiin aad tahay shaqaale ajinebi ah, waxaad xaq u leedahay gunnooyinkaasi.
Gunno ku salaysan deggenaasho, sida sharciga waafaqsan, waxaad xaq u leedahay, haddii aad deggen tahay dalka Iswiidan , hal sano iyo wixii ka badan.
Muwaadiniinta –Midowga Yurub waxaa khuseeya sharci khaas ah, oo micnihiisuna yahay, in ay xaq u yeelan karaa labada gunnoba, tan ku salaysan shaqada iyo tan deggenaashaba, haddii shaqada lagu fuliyay dalka Iswiidan oo kali ah.
Waa Försäkringskassan kan ka gaaraya go’aanka in qof uu ku jiro caymiska badbaadinta bulsho ee dalka Iswiidan , uuna xaq u leeyahay gunnooyinkaasi.
Si xor ah baad uga dalban kartaa xafiiska sanduuqa badbaadinta bulsho, marka aad u timaado dalka Iswiidan shaqo. Dalbashadaadu waxba uma dhimayso xuquuqdaada iyo gunnooyinkaaga.
Qofka u yimid dalka Iswiidan in halkan deggenaado, isaga oo aan is diiwaangelin, waa in sida waafaqsan sharciga, uu is ka diiwaangeliyo xafiiska sanduuqa guud ee caymiska
Waxaad kala xiriiraysaa Försäkringskassa halkan
Social Insurance Agency
Social Insurance Office website
Skatteverket
Skatteverket

