To start page
Working in Sweden

Bay’adda goobta ka shaqayso

Sharciga bay’ada goobta shaqo waa uu ku difaacayaa

Marka aad ka shaqeynayso  xarun dibeddeed oo lagugu meeleeyay, waa  uu ku khuseynaya sharciga dalka Iswiidan  ee bay’dda goobta shaqo iyo xeerarka kale oo dhan xitaa adiga.

Waxaa ku jira sharciga bay’adda goobta shaqo xeerar, ka hadlaaya waxa ay yihiin waajibaadka shaqo bixiyaha iyo xilka ka saaran in uu ka ilaasho wixii caafimaad darro iyo shilal u keenaya goobta shaqo.
Arrin kale oo muhiim ah oo qeyb ka ah sharciga bay’adda goobta shaqo, waxaa weeye in la gaaro bay’ad hagaagsan oo shaqo. Sharciga bay’adda shaqo waa wax kasta oo shaqadaada saamaynaya, sida mishiinada iyo qalabka kale ee shaqo in ay buuxiyaan shuruuddaha dhinaca amaanka ee looga baahan yahay, in aan heerka karkabeyntu aad u sareyn. Waxay kale oo ay ku saabsan yahay in  iftiinka nalalka ee goobta shaqada ku filan yihiin ama heerka guuxu  uu yhay mid la aqbali karo.

Goob kasta oo shaqo oo ay ku sugan yihiin ugu yaraan shan shaqaale ah, waa in uu jiro wakiilka ilaalinta shaqaalaha.
Wakiilka shaqaluhu waxaa uu ka metelayaa shaqaalaha dhinaca bay’adda goobta shaqo, waxaana uu la soconayaa in bay’ada shaqadu ay ku sugan tahay xaalad wanaagsan.  Inkasta oo uu shaqo bixiyuhu masuuliyadda ugu weynni saaran tahay, waa shuruud, si cad loogu qeexay sharciga bay’dda goobta shaqada  in  habeynta hawsha bay’adda shaqada, la wado shaqaalaha iyo wakiilkooda.

Xilka Wakaaladda bay’adda shaqada

Wakaaladda bay’adda shaqadawaxay ka shaqeysaa  xuquuqda caafimaadka, amaanka iyo abuurida xaaladda dhiirigelinta shaqada. Waxaanu wadnaa  in goob kasta oo laga shaqeeyo ay ka jirto hawlgal firfircoon oo  dhinaca bay’adda shaqada ah, taasi oo cid kasta ka qeyb qaadanayso. Aragtidayadu waxay tahay in cid kasta ay doonayso in la abuuro xaalad wanaagsan oo ay ku sugnaato bay’adda goobta shaqadu.

Wakaaladda bay’adda shaqada waxaa kale oo ay u xil saaran tahay in ay kantaroosho in shaqo bixiyuhu u hogaansanaado sharciga bay’adda goobta shaqo iyo xeerarka kale ee la xiriira. Taasna waxaan ku hubinnaa kormeer, haddii si kale loo yiraahdo, waanu booqanaa goobaha shaqo.

waxaad nala soo xiriiri kartaa

Haddii aad dareento in shaqo bixiyahaagu uu ku tuntay xeerarka iyo sharciyada u dejisan  bay’adda shaqada, waad nala soo xiriiraysaa.



Klicka här för att skriva ut sidan i en printervänlig version.

© 2012 Arbetsmiljöverket, Lindhagensgatan 133, 112 79 Stockholm, Phone: +46 (0) 10 730 90 00 Fax: + 46 (0) 8 730 19 67
[ arbetsmiljoverket@av.se | webbredaktionen@av.se ]