Welcome to the website of occupational safety and health at work (Work Environment Authority) on the posting of workers
Ma ku meelgaar ahaan ayaad dalka Iswiidan uga shaqaysaa?
Ku soo dhowoow bogga Arbetsmiljöverket (Wakaaladda bay’adda shaqada) oo ku saabsan shaqada dibedda la isugu diro. Waxaa boggaan loogu talagalay adiga ku meelgaar ahaan uga shaqeeya dalka Iswiidan .
Waxaad halkaan ka heleysaa warbixino ku saabsan xeerarka, nidaamyada iyo qoraalada shaqada dibedda la isugu diro. Tusmada dhanka bidixda waxaad ku qornay liis aan ku soo bandhignay arrimaha adiga iyo cidda aad u shaqayso idiin muhiimka ah.
Cinwaanka Waa kan dibedda shaqo ugu diriddu waxaa ku hoos qoran xeerka dibedda shaqo ugu diriddu utstationering iyo wareegtada EU.
Waxaa cinwaanada kale hoostooda ku qoran warbixino ku saabsan shuruudaha suuqa shaqada ee dalka Iswiidan oo laguu diray loona baahan yahay in cidda aad u shaqaysaa wax ka ogaato.
Waxaad kaloo tusmada ka heleysaa cinwaanada iyo talefoonada hay’adaha aad dooneyso inaad la xiriirto.
Waa maxay dibedda shaqo ugu diriddu?
Shaqaale la diray waxa weeye qof cidda uu u shaqeeyaa u dirtay dal kale si uu halkaa uga shaqeeyo muddo kooban. Qofka loo soo diro dalka Iswiidan waxaa lagu maamulayaa xeerarka iyo heshiisyada dalka Iswiidan ka jira inta shaqadiisu socoto.
Warbixin dheeraad ah waxaad ka akhrisataa cinwaanka Waa kan dibedda shaqo ugu diriddu.
Ciddee sharciyadani khuseeyaan?
Xeerka dibedda shaqo ugu diridda waxaa lagu maamulayaa dhammaan dadka dalka Iswiidan yimaada. Laakiin waa ay kala geddisan yihiin xeerarka oggolaanshaha degganaanta iyo shaqada, taasoo ku xiran hadba dalka aad ka timid.
Ma dhalasho Iswiidhish ayaad haysataa?
Haddii aad dhalashada iswiidhishka haysato oo dal kale shaqo laguugu diro, waa in aad adigu raadsataa xeerarka lagu maamulo dalka shaqo ahaanta laguu diray. Waxaad la xiriiri kartaa safaaradda dalkaas ama waxaad warbixino ka raadsan kartaa internet-ka.
Waxaa halkaa laga helayaa xiriirka Europeiska Kommissionen oo liis ku ururiya boggaga internet-ka ee dalalka EU badankood, kaas oo ka hadla dibedda shaqo ugu diridda. Waxayna wadajir u la shaqeeyaan xafiiska wadashaqaynta ee wakaaladda bay’adda goobta shaqada, Arbetsmiljöverket.
Waa annaga hay’adda la la soo xiriirayo
Arbetsmiljöverket waxa weeye xafiiska xiriirka ee dalka Iswiidan oo qaabbilsan arrimaha dibedda shaqo ugu diridda. Waxaan dadka ku wargelinaa shuruudaha shaqada iyo shaqaalaynta oo dalka Iswiidan ka jira. Waxaana wadashaqayn naga dhexeysaa xafiisyada xiriirka ee dalalka kale.
Haddii aad dooneyso inaad la xiriirto xafiisyada xiriirka ee dalalka Yurub, riix bogga internet-ka ee kor ku yaal.
Waxaad kaloo ka akhrisan kartaa warbixin ku saabsan dibedda shaqo ugu diridda oo taal boggayaga afka ingiriiska ku qoran:
This information is also available in English.
Su’aalo:
Haddii aad su’aalo ka qabto, la xiriir:
Susanna Nordegran tal: 08-730 96 09
Amelie Berg, tal: 08-730 97 05
Haddii aad dooneyso inaad dirto e-mail: magacahore.magacaqoyska@av.se
European Commission
EU Kommissionens web
Kontakt
If you have any questions you can contakt:
Susanna Nordegran
Mikael Syk
Maria Nyman
Tel: +46 10 730 90 00

